25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Booliska oo soo xiray askari ku xad-gudbay sharciga doorashooyinka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Booliska ayaa gacanta ku dhigay askari ka tirsan ciidamada qalabka sida, kadib markii uu isku dayey inuu laba jeer isku diiwaan-geliyo si codbixinta doorashada uu uga qeyb galo marar badan.

Askarigan oo aan magaciisa la shaacin ayaa lagu qabtay mid ka mid ah goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, xilli uu isku dayayey inuu mar labaad isu diiwaan-geliyo isagoo adeegsanaya xog been abuur ah, sida uu shaaciyay guddiga doorashooyinka qaranka.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in ninkan uu markiiba soo qabtay qalabka casriga ah ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, sidaasna lagu ogaaday.

Hanaanka doorashooyinka iyo kalsoonida lagu qabi karo nidaamkan ayey khilaafsan tahay in qof uu noqdo codbixiye wax ka badan hal mar, sida uu sheegay guddiga doorashooyinka qaranka oo weli lagu muransan yahay sharci ahaantiisa.

“Waa tallaabo sharci darro ah, wax kasta oo dhaawacaya hufnaanta doorashada waa laga hortagayaa,” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay guddiga.

Falka askarigan ayaa sidoo kale keenay hadal hayn xooggan, iyadoo sidoo kale loo arko mid digniin u ah cid kasta oo isku dayda inay si sharci-darro ah uga faa’iideysato nidaamka doorashada.

Askarigan ayaa sharciga lala tiigsan doono si uu u noqdo tusaale looga digtoonaado falalka noocan oo kale ah, sida uu sheegay guddiga doorashada Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News