Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta guud ee booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin (Macallin Mahdi) oo si adag uga hadlay ammaanka Muqdisho ayaa soo hadal qaaday weerarada hoobiyeyaasha ee magaalada Muqdisho.
Macallin Mahdi ayaa shaaca ka qaaday inay qaadayaan tallaabooyin dheeraad ah oo looga hortegayo hoobiyeyaasha inta badan lagu garaaco xarumaha muhiimka ah ee caasimada.
Taliyaha qaybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa ballan lacageed ku dhowaaqay, wuxuuna sheegay ciddii keentay maclumaadka horseedi kara in la ogaado ama gacanta lagu soo dhigo kooxaha ku howlan hoobiyeyaasha lasii doono abaal-marin ay ku faraxdo.
Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in xitta ciidamada ammaanka ee Sameeya dadaal dheeri ah oo ku aadan fashilinta ragga hoobiyeyaasha kusoo tuura caasimada, ay iyaguna leeyihiin abaal-marinta.
Xaafadaha Muqdisho ayaa waxaa inta badan hoobiyeyaal ku garaaca maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ay kasoo abaabulaan degmooyinka dhaca daafaha caasimada.
Weerarkii u dambeeyay ayaa dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, kadib markii hoobiyeyaal lagu garaacay gudaha Xerada Xalane iyo xaafado kale oo ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Inta badan Madaafiica ayaa lagu beegsadaa xarumo dowladeed oo muhiim ah, sida aagga Madaxtiiyada, garoonka Aadan Cadde iyo meelo kale oo kamid ah caasimada.
Dhammaan weeraradan ayaa kusoo aadayo xilli haatan dowladda Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto Khawaarijta, isla markaana la’isku hayo furimaha hore ee dagaalka.
Kooxda ayaa muddooyinkii dambe xoogga soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo haatan ay ka socdaan dagaallada, waxaana barbar socda duqeymo diyaaradeed oo ay fulinayaan saaxibada caalamiga ah oo hawada ka taageeraya ciidamada Xoogga dalka.