25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Xasan Sheekh oo ku faanay arrin yaab leh xilli ay si weyn isku hayaan mucaaradka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku faanay in marwalba ay dowladdiisa xooga saarto wada-hadalka siyaasadeed, xilli ay haatan si weyn isku hayaan siyaasiyiinta mucaaradka, oo sheegay inuu ka leexday dhabihii saxda ahaa.

Xasan ayaa sheegay in dowladdiisu ay 2023 bilowday dadaallo lagu xoojinayo wada-hadalka siyaasadeed, kuwaas oo horseeday horumar weyn oo laga gaaray hannaanka dimuqraadiyeynta dalka, isagoo tilmaamay in dadaalladu ay salka ku hayaan isku-duubni siyaasadeed iyo dhageysiga talooyinka ay bixiyaan dhinacyada kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda Ciidul-Adxa, isagoo xusay in bishii July 2023 uu isugu yeeray kulan wada-tashi ah Madaxweynayaashii hore ee dalka. Kulankaasi waxa uu dhacay hal sano kadib markii uu xilka qabtay, wuxuuna u arkayay in midnimo siyaasadeed iyo wax wada-tashi ay lagama maarmaan u yihiin jihaynta dalka.

Madaxweynaha ayaa sharxay in kulankaasi uu ujeedkiisu ahaa in dowladdu ay dhageysato talooyinka iyo aragtiyaha madaxda hore ee dalka, uuna ahaa fursad muhiim ah oo lagu falanqeynayay arrimo masiiri ah oo saameynaya mustaqbalka dalka.

Wuxuu hoosta ka xariiqay in wixii ka dambeeyay wadatashigaas ay dalka ka hirgaleen horumaro la taaban karo oo la xiriira dimuqraadiyeynta, kuwaas oo uu xusay in ay yihiin kuwo lagu xoojinayo dowladnimada iyo kala dambeynta.

“Tan iyo markaas, horumar weyn ayaa laga sameeyay hannaanka dimuqraadiyeynta iyadoo loo marayo hay’adaha dastuuriga ah,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa mar kale caddeeyay in albaabka wada-hadalka uu yahay mid mar walba furan, isla markaana aysan dowladdiisu xiri doonin, si loo helo isfahan qaran oo ku saleysan talo-wadaag. Wuxuuna intaas ku daray in gogosha wada-tashiga siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada la qaban doono 15-ka Juun 2025 magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay dhammaan daneeyeyaasha siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo madaxda dhaqanka in ay ka qeyb qaataan gogosha wada-tashiga, si loo sii xoojiyo hannaanka dimuqraadiyeynta iyo horumarka qaranka, isagoo tilmaamay in midnimo iyo wada-hadal lagu gaari karo xasillooni iyo horumar waara.

Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku faanay inuu mar walba wada-hadal diyaar u yahay, uuna wada-hadalkiisi hore dhalay horumar, haddana waxaa muuqata in muddooyinkii dambe uu albaabada ka xirtay mucaaradka, isagoo ku dhaqaaqay hanaan doorasho oo loo dhameyn, isla markaana uu wax ka beddel ku sameeyay dastuurka heshiiska lagu ahaa.

- Advertisement -

Read more

Local News