26.1 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Fiqi oo u jawaabay Shariif: Wuxuu ku wareeray dagaalkii Mirinaayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa jawaab kulul siiyay Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Sheekh Sheekh Axmed oo xalay weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa.

Shariif oo ka hadlayay xuska Kowda Luulyo ayaa sheegay dalka aysan ka jirin xorriyad, isa markaana ay kaliya ay u dabaal-dagayaan xorriyaddii 1960-kii.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku eedeeyay dowladda hadda jirta inay ku kaceyso xarig, caburin iyo duulaan lagu qaado Maamul-Goboleedyada.

“Xorriyad macnaheeda maanta kama jiro maanta dalkaan, xorriyadda aan u dabaal-dageyno waa middii 1960-kii taas ayaan u dabaal-dageynaa waxaan qiimeyneynaa aabayaashii, awoowayaashii iyo ayeeyayaashii u istaagay ayaan qiimeyneynaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo shaaca ka qaaday inuu Sheekh Shariif caada ka dhigtay inuu aflagaadeeyo madaxda dalka, isla markaana uu marar badan u gefay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale sheegay in guriga Shariif uu noqday meel laga soo caayo dowladda, laguna aruuriyo dhalinyarada, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii Shariif waa nin kusoo wareeray dagaalkii ayaan dhaweyd uu galay iyo hadalladiisa oo ah Xasan Sheekh waa naga hor dhimanaya. Runtii Shariif gurigiisa waa kaam lagu caayo Madaxweynaha ilmo yar yar oo 80 ayaa ku jiro boorar buu u dhiibaa,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

- Advertisement -

Read more

Local News