24.9 C
Mogadishu
Wednesday, July 1, 2026

Sawirro: Xasan Sheekh oo xalay Muqdisho ka sameeyey arrin cajiib oo lama filaan ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay magaalada Muqdisho kaga qeyb-galay munaasabad lagu xusayay 1-da Luulyo, oo ku beegan 66-guurada ka soo wareegtay markii gobollada Koonfureed ay xornimada qaateen, isla markaana ay la midoobeen gobollada Waqooyi, taas oo dhashay Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si kedis ah shacabka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho ugula qeyb galay dabaal-degga munaasabadda qaran ee 1-da Luuliyo, oo ku asteysan markii ay xoroobeen Gobolada Koonfureed ee dalka, isla markaana ay midoobeen gobollada Waqooyi iyo Koonfur, isaga oo booqday qeybo ka mid ah caasimadda, sida isgoyska Taleex. 

Madaxweynaha ayaa waddooyinka caasimadda bulshada ugala qeyb galay farxadda munaasabaddan qiimaha weyn ugu fadhida shacabka Soomaaliyeed, taas oo xambaarsan xusuusta halgankii dheeraa ee loo soo maray gobannimada iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo si weyn loo soo agaasimay ayaa markii ay saacaddu isku beddeshay 12:00 habeenimo, waxaa si rasmi ah loo saaray calanka buluugga ah ee Soomaaliya, iyadoo kooxda baandada ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay garaacayeen astaanta qaranka.

Hadal kooban oo uu jeediyay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaga hadlay qiimaha 1-da Luulyo iyo 26-ka Juun, oo ah maalmaha xorriyadda Soomaaliya. Wuxuu tilmaamay in xorriyadda lagu gaaray dhiig, naf-hurid iyo halgan dheer, isagoo u mahadceliyay dhallinyaradii iyo siyaasiyiintii kaalinta weyn ka qaatay xornimada guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada maanta la haysto aysan ku imaan si fudud, taas beddelkeedana looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan dadaalkii iyo juhdigii la soo geliyay helitaanka xorriyadda iyo dhismaha qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay sida Muqdisho ay u soo kabsatay, isagoo xusay in caawa dadweynuhu ay waddooyinka ugu dabaaldegayaan si nabdoon xilli dambe oo habeenimo ah, taas oo uu ku tilmaamay astaan muujinaysa guulaha laga gaaray dhinaca nabadgelyada.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ula hadlay reer Somaliland, isagoo ku ammaanay doorkii taariikhiga ahaa ee ay ku lahaayeen xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Wuxuu caddeeyay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay wada-hadal lagu xalliyo tabasho kasta, isagoo sheegay in la beddeli doono xeeladihii hore ee wada-hadallada si loo helo xal lagu wada qanacsan yahay.

Madaxweynaha ayaa mar kale muujiyay rajada fog ee ku aaddan midnimada shanta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in rajada maanta ka jirta dalka ay tahay mid ay wadaagaan dhammaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkooda qaran ayaa si sharaf iyo maamuus leh u saaray Calanka Jamhuuriyadda, markii ay goor sheegtadu ku beegneyd 12:00 habeenimo, waqtigaasi oo ku beegan 66 sano ka hor isla xilligii Calankeenna la saaray caasimadda Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo dowlad-dhiska dalka, isaga oo tilmaamay in jiilasha maanta ay mas’uul ka yihiin sii ambaqaadidda himiladii aasaasayaashii qaranka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News