Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hadal siiyay warbaahinta ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiintii ka baxay garabkiisa ee ku biiray mucaaradka kasoo horjeedo dowladda ee haatan dhaq-dhaqaaqyada ka wada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan dad caado ka dhigtay inay mar la saftaan dowladda, marna mucaaradka u wareegaan. Wuxuu sheegay in arrintaasi tahay mid aan habboonayn, isaga oo kula taliyay inay qaataan mowqif cad oo ay ku adkaystaan.
“Kuwa qaarkood ee marna dowladda usoo cararayo marna inta dowladda diidan usii cararaya waxaa la yiri hasha labada geel jecel dhexda ayaa dhurwaa ku cunaa waa macno beelayseen mowqif yeelo,” ayuu yiri Xasan.
Sidoo kale wuxuu ku daray “Mowqifkaaga caddey kuwa banaanka taagan ee qeylinaya ayaa ka kheyr badan maalin dowladda haa usoo ordin maalinna dhinacaas kale”.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya waxa dib u dhigay ay tahay siyaasadda qofeysan, isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo.
“Siyaasadeenna waa qofeysan tahay waxaan rabnaa qofka inaan ka saarno dowladnimada xooggan oo hana qaada oo shaqeyso intaas ayaa naga xigto,” ayuu mar akle yiri Madaxweynuhu.
Dhinaca kale, waxaa si degdeg ah Madaxweyne Xasan Sheekh ugu soo jawaabay xubnaha mucaaradka oo naqdiyay hadalkiisa. Siyaasiyga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa la yaab ku tilmaamay arrinta uu ka dhawaajiyay Madaxweynaha, wuxuuna xusay in cid kale uu ku dhaliilayo dhaqan uu isagu keenay, sida uu ku dooday.
“Waxaan maanta dhageystay oday Xasan oo dhaliilaya dhaqankii siyaasadeed ee uu isagu ku caan baxay ee ku dhisnaa daacadnimo kiraysan, isagoo isu muujinaya nin u taagan siyaasad mabda’ ku dhisan. Waxaase yaab leh inuu weli cid kale ku dhaliilayo dhaqan siyaasadeed uu isagu oday u yahay oo ah siyaasadda qofaysan.” ayuu ku jawaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

