26.1 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Booliska Soomaaliya oo maanta wacdaro ka dhigay Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada  Booliska Soomaaliyeed oo maanta u dabaal-daggay sanad guurada 82-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda ayaa maanta wacdaro ka dhigay magaalada Muqdisho oo ay kusoo bandhigeen dhoolatus ciidan oo aad loogu riyaaqay, waxaana goobjoog ahaa madaxda sare ee dalka oo uu ugu horreeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu horreyn Madaxweynaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo u diray Sarreeyaasha, Saraakiisha sare, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Kormeereyaasha, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boggaadiyay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guulaha muuqda ee laga xaqiijiyay sugidda amniga dalka, dib u dhiska Xarumaha Booliska iyo tayeynta iyo horumarinta ciidamada.

Sidoo kale waxa uu faray in ay u diyaar garoobaan gudashada waajibaadkooda ku aaddan ilaalinta nabad-galyada doorashooyinka Qof iyo Codka ah ee ka qabsoomaya Gobolka Benaadir.

“Waan hambalyeynayaa shaqada wanaagsan ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ku qabteen waqtiga kooban. Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, tan iyo markii la aas-aasay sanadkii 1943-dii, waxa uu u taagnaa ilaalinta nafta, sharafta iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxaan halkan uga mahadcelinayaa dhammaan ragga iyo dumarka Booliska Soomaaliyeed ee naftooda u huray sugidda amniga dalka” ayuu khudbaddiisa ku yiri Xasan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kula dardaarmay Saraakiisha iyo Askarta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay si waafaqsan qaanuunka dalka u gutaan, waajibaadka ka saaran ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Sarkaal waliba lagula xisaabtami doono shaqada loo igmaday.

Munaasabadda sanad-guurada 82-aad ee aasaaska CBS, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno, Taliyeyaasha  Ciidanka Qalabka Sida, Taliyeyaashii hore, Danjireyaal iyo marti sharaf kale.

- Advertisement -

Read more

Local News