26.7 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

DAAWO VIDEO: Haddii xaal uu sidaan marayo, maxaa u haray Soomaalida…?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Johannesburg (Caasimada Online) Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in booliska dalkaas ay dhaceen 40 kun oo dollar oo ay lahaayeen Soomaalida ku ganacsada dalkaas.

Arrintana ayaa dhacday markii howgal ciidamada booliska ay ka sameeyeen deeganka Soomaalida ay ku badan tahay ee Maiyfa oo ku agdhow magaalada Johannesburg.

Wariye Cumar Kiyow oo ku sugan Koonfur Afrika ayaa VOA-da u sheegay in ciidamada booliska ay dhaceen lacag badan iyagoona xirxiray 15-dhallinyaro Soomaali ah.

“Booliska Koonfur Afrika ayaa shaley howgallo ka sameeyay xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay ee Maiyfa oo ka tirsan Johahnisberg, waxa ay qabqabteen 15-dhallinyaro ah kuwaasoo aan wadan sharci, waxaa kaloo ay dhaceen 40,000 oo dollar,kuwaasoo laga qaaday xawaalado iyo dukaamo ay lahaayeen Soomaali” ayuu yiri Cumar Kiyow.

Wariyaha ayaa sheegay in dhowrkii cisho ee la soo dhaafay la boobay 100 dukaan 50 ka mid ah waa la gubay ayuu yiri, waxaan sidaas sameeyay madowga Koonfur Afrika.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Soomaali lagu dhaco dalka Koonfur Africa, waxa jiray dhibaatooyin waaweyn oo lagu hayay soo galootiga Koonfur Afrika, waxaa la dhacaa dukaamadooda mararka qaar nafsadooda ayey ku waayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Johannesburg

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News