Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa shaaca ka qaaday in maalmaha soo socda la jari doono dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho.
Boorsaani ayaa sheegay in waddooyinka magaalada la xiri doono laga bilaabo maalinta berri oo Isniin ah, waxa uuna sheegay in la xadidi doono dhamman isku socodka gaadiidka.
Boorsaani waxa uu sheegay in la xadidi doono dhammaan dhaqdhaqaaqa dadweynaha Muqdisho, waxa uuna cadeeyay in waddooyinka ay xirnaan doonaan inta ay kasoo idlaaneyso Doorashada.
Mr Boorsaani ayaa sheegay in xiritaanka waddooyinka ay ka bilaaban doonto berri maqribkii waxa uuna dadka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada Amaanka.
Waddooyinka ayuu sheegay in la furi doono wixii ka danbeeya maalinta Khamiista marka laga talaabo Doorashada.
Haddalka Guddoomiye Boorsaani ayaa imaanaya xili Waddooyinka ugu badan ee magaalada Muqdisho la dhigay dhagxaan waaweyn oo lagu kala jawaaro waddooyinka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

