25.8 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Boosaaso: Nin Kenyan ah oo toogasho lagu dilay maanta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Nin u dhashay dalka Kenya ayaa maanta toogasho lagu dilay, gudaha magaalada Boosaaso, sida ay goobjoogeyaal u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ninka la dilay ayaa waxaa la sheegay in uu ka shaqeynayay shirkad kaluumeysi oo lagu magacaabo Ocean, islamarkaana dilkiisa uu gaystay askari ka mid ahaay ilaaladiisa oo khilaaf uu soo kala dhexgalay.

Dilka ayaa ka dhacay xeebta magaalada Boosaaso. Duqa magaalada Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka ninka u dhashay dalka Kenya, isaga oo sheegay in dilka kadib uu askariga goobta ka baxsaday.

Si kastaba, howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen magaalada ayaa lagu soo qabtay askariga dilka gaystay, wuxuuna hadda ku jiraa xabsiga, sida uu sheegay taliyaha booliska qeybat gobolka Bari, Xuseen Cali Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News