Boqolaal ASKARI oo la dilay iyo DAGAALKA gobolka Tigray-ga oo sii xoogeystay

Dansha (Caasimada Online) – Dagaalka sii xoogeysanaya ee ka socda gobolka Tigray ee dalka Ethiopia ayaa dilay boqolaal qof, sida ay ilo-wareedyo xiga dhanka dowladda u sheegeen wakaaladda wararka Reuters.

Sarkaal ka tirsan militariga oo ku sugan gobolka Amhara, lana jira ciidamada federaalka, ayaa Reuters u sheegay in iska hor-imaad xooggan oo ka dhacay aagga Kirakir lagu dilay ku dhowaad 500 oo ka mid ah askarta Tigray-ga.

Sidoo kale saddex ilo-wareed oo ku sugan isla gobolka Amxaarada ayaa sheegay in boqolaal ka mid ah ciidamada dowladda lagu dilay dagaal xooggan oo ka dhacay magaalada Dansha.

Reuters si dhab ah uma xaqiijin tirada khasaaraha, hase yeeshee diblomaasiyiin ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in boqolaal askari oo labada dhinac ah lagu dilay dagaalka.

Weriyayaal ka tirsan Reuters oo ku sugan gobolka Amxaarada oo deris la ah gobolka Tigrayga ayaa sheegay inay arkeen baabuurta xamuulka oo lag buuxinayo ciidamo iyo qoryaha darandooriga u dhaca, kuwaas oo loola cararayo jiidda hore ee dakaalka si ay u caawiyaan ciidamada federaalka.

Dhinaca kale, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka dowladda ay duqeeyeen bakhaaro hub ah iyo bartilmaameedyo kale.

“Kaligii talisku waxay muujiyeen inaysan wax arxan ah u hayn burburinta dadka Tigrayga ayaga oo illaa 10 duqeymo ka fuliyey magaalooyinka Tigrayga,” ayaa lagu yiri qoraal uu facebook soo dhigay xisbiga maamula gobolka ee TPLF.

Sidoo kale shaqaalaha hay’adaha gargaarka iyo ilo-wareedyo amni ayaa soo sheegay ind agaal xooggan uu ka socdo dhulka.

Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uu sii xoogeystay taasi oo boqolaal ciidan iyo maleeshiyo Tigray ah ku qasabtay inay is-dhiibaan. Waxay sidoo kale beeniyeen in TPLF ay soo rideen diyaarad dagaal.