Riyadh (Caasimada Online) – Boqorkii dalka Saudi Arabia Cabdallah Bin Cabdlucaziiz ayaa ku geeriyooday dalkaas, saraakiil ka tirsan boqortooyada ayaa sidaas shaaca ka qaaday.
Hadal qoraal ah oo kasoo baxay boqortooyada aroor hore oo subaxnimadii jimcaha ahayd, ayaa lagu sheegay in boqorka geeriyooday walaalkiisa Salman uu hadda yahay boqorka cusub. Salam waa 79 jir.
Ka hor inta aan warka lagu dhowaaqin ayaa taleefishinka qaranka waxaa laga joojiyey dhammaan barnaamijyadii, ayada oo laga billaabay aayado qur’aan ah.
Boqor Cabdallah, oo 90 jir ahaa ayaa waxa uu isbitaal ku jiray dhowr toddobaad, ayada oo uu ka jiranaa sambabada.
Cabdallah ayaa boqor noqday 2005, kadib markii walaalkiis Fahad uu geeriyooday.


