Muqdisho (Caasimada online) Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah ayaa lagu soo waraayaa inay afduubteen Markab nuuca Kuluumeysiga ah oo lagu Magacaabo Thai Union 3 sida ay shaaciyeen Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya .
Wararku waxay sheegayana in markabkaan uu kasoo shiracanayay meel qiyaastii meel 650 miles u jira xeebaha Soomaaliya xilligii gacanta lagu soo dhigayay sida saraakiisha ciidanku ay sheegeen .
Sida ay qortay wakaladda wararka ee (AP), Ciidamada Badda ee Midowga Yurub ay ka war heleen Afduubka markii shaqaalaha doonta saran ay la kulmeen weerar kaga yimid rag hubeysan oo u qaab ekaa Burcada ka qowleysata xeebaha Soomaaliya iyo goobaha ka baxsan.
Midowga Yurub ayaa isku dayay inay diyaarad kula dul heehaabaan goobta tuhunka uu ku jiro ee ah in lagu afduubtay Doonta ayna arkeen Dhalinyaro hubeysan oo doonta saran iyo shaqaalihii Doontaasi.
Markabkani Thai ayaa noqonya kii afarad oo ay Kooxaha Burcad Badeeda ay gacanta kudhigaan labadii todobaad ee u danbeeyay,sida lagu daabacay AP.
Kooxaga burcada badaha Soomaaliya aya afduub kula dhaqaaqa maraakiibta isticmaashaa xeebaha Soomaaliya kuwaas oo ay ka qaataan lacago madax furasho ah.
Caasimada online
Xafiiska Muqdisho