26.1 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Ismaaciil Hurre Buubaa oo si cajiib ah uga hadlay magacaabista Safiirka USA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Mareykanka uu Safiir usoo magacaabay dalka Somalia ayaa Wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Ismaaciil Hurre Buubaa waxa uu sheegay in ahmiyad weyn ay u leedahay Soomaaliya talaabadaasi.

Mr Hurre Buubaa waxa uu sheegay in tani ay muujineyso sida ay Beesha Caalamka ay uga go’an tahay in si dhab ah ay wax ula qabtaan Soomaaliya.

Buubaa waxa uu Tilmaamay in DF Somalia ay hortaalo laba wado oo kala ah ka faa’iideysiga jilicsanaanta Dowlada Mareykanka iyo inay uga mahad celiso oo aysan lug gooyn, waa haddii aysan diyaar u aheyn inay ka faa’iideysato fursada.

Sidoo kale, Buubaa, ayaa carabaabay in Dowlada mareykanka ay ugu talo gashay inay qanciso Somalia, balse iyana looga fadhiyo inay ka faa’iideysato, haddii kalane ay wakhti dambe ka shaleyn doonto.

Wuxuu cadeeyay in wadamo hor marsan usan Mareykanku ku laheyn Safaarad, balse Somalia oo dhowr sano burbursan ka furtay, taasina ay muujineyso furfurnaanshaha DF Somalia loo muujinaayo.

Haddalka Buubaa, ayaa imaanaya xili Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka ay shaacisay in Somalia ay dib uga hirgalineyso Safaaradeeda, islamarkaana magacawday Danjire cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News