Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa warqad u dirtay ugaaska beesha Xawaadle, Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, oo weli diidan inuu aqbalo maamulka Hir-Shabelle ee dhowaan lagu dhisay magaalada Jowhar.
Warqadda, oo uu ku saxiixan yahay wakiilka QM ee Somalia Michael Keating, kuna taariikheysan 25-ka October, taasi oo ay heshay Caasimada Online, ayaa waxaa Ugaaska lagu casuumay inuu wada-hadallo u yimaado magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Keating ayaa warqadda ku sheegay in beesha caalamka ka walaacsan tahay xujada iyo dhibka laga maray sida dhismaha maamulka Hir-Shabelle u noqday mid waqti badan ku lumay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]