28 C
Mogadishu
Friday, December 5, 2025

Cabasho xooggan oo ka taagan Muqdisho iyo mucaaradka oo war ka soo saaray

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmahan isa soo taraya ganacsato ka cabanaysa canshuur sharci darro ah oo dowladda federaalka kusoo rogtay, taasi oo si adag uga hadleen qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee ku mideysan Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in ganacsatada looga baahan yahay inay la ymaadaan tallaabooyin la taaban karo, oo dhaafsiisan calaacal iyo niyad-jab.

“Mar haddii uusan sharcigu talinayn, oo cid ku tagrifalka iyo awood sheegadka looga dacwoodana aanay jirin, waxaan idin hurayn in aad danihiina difaacataan,” ayuu yiri Warsame.

Hoos ka aqriso qoraal oo dhameystiran:

Maalmahan waxa isa soo taraya ganacsato ka cabanaysa canshuur sharci darro ah, khidmooyin adeeg oo baad ah, iyo isbaarooyin awood sheegad ah.

Cid kasta oo barakicin, dhul fidsi, iyo isbaaro dawladeed ka cabataa waxay farriin toos ah ku wajahdaa Madaxweynaha. Halkaa waxa ka cad in aysan shaqaynayn hay’adaha kale ee dawladda laga bilaabo xukuumadda uu Raysalwasaaruhu madaxda ka yahay, baarlamaanka iyo garsoorka intaba.

Marka laga soo tago hay’adaha dawladda waxa jira awoodo kale oo dheellitira taliska talada haya, shacabkana u hadla waa siyiisiinta mucaaradka ah iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Siyaasiga u hadla bulshada, xaqoodana si dhiirran u difaaca, waxa u muuqata rejo xukun oo ah in uu soo bandhigayo xal wanaagsan iyo talo toosan oo ta maanta la hayo ka fiican.

Waxa se jira siyaasiyiin aan u hadlin bulshada oo aan la noolayn duruuftooda nololeed, laakiin isku abaabulaya sidii ay xukunka u hanan lahaayeen. Waa siyaasiyiin ka go’an waaqaca iyo duruufta bulshada ee lagu jiro.

Ururradii bulshada rayidku way nuxuuseen, waxayna u gacangaleen rajiimka xukunka jooga.

Ganacsatadu waa in ay fahmaan in ay yihiin awood ka mid ah awoodaha bulshada. Waa in ay la yimaaddaan tallaabooyin la taaban karo, oo dhaafsiisan calaacal iyo niyadjab .

Mar haddii uusan sharcigu talinayn, oo cid ku tagrifalka iyo awood sheegadka looga dacwoodana aanay jirin, waxaan idin hurayn in aad danihiina difaacataan oo aad waqtigiina, tamartiina iyo iyo shilinkiinaba isugu geysaan abaabul iyo isku xirnaan si aad awooddiina u soo bandhigtaan, ka dibna u dhistaan rug ganacsi oo aan madaxtooyada u afduubnayn.

- Advertisement -

Read more

Local News