Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug Abdikariim Guuleed iyo kuxigeenkiisa Maxamed Xaashi ku howlan yihiin sidii ay kursiga beesha Celi u siin lahaayeen beel kale oo aysan waxba kala dhaxeyn xitaa dhalasho.
Abdikariim iyo Maxamed Xaashi ayaa dagaalka ay kursigaasi ay beesha Celi laheyd tan iyo 2000, islamarkaana ay ku heshay nidaamka 4.5 ee Marreexaanka wax ugu qeybsaday raba inay sanadkan si aan sharci aheyn ku siiyaan beesha Reer Siyaad Xuseen, taasi oo ka hor’imaaneysa nidaamka dowlada ku dhisan tahay.
Ugaaska Marreexaan ee ku jira odayaasha 135 saxiixe ayaa damacaasi ay wataan ka hor yimid, isagoona si cad ugu sheegay in kursiga Celi yahay mid aan la dulmin karin oo ay reerkaasi leeyihiin, isagana uusan ergo aan Celi aheyn qoreyn.
Laakiin Abdikariim iyo Maxamed Xaashi oo beesha Celi kula dagaashan, maxaa Madaxweyne kuxigeen uga qaadateen maamulka Ahlusuna ee fadhiya Dhuusamareeb ayaa bilaabay inay odayaal jeebkooda ah sameystaan, kuwaasi oo ay ka saxiixdaan ergo been abuur ah oo kursigaasi lagu dhaco.
Madaxtooyada Cadaado ayey isugu keeneyn 12 odey, kuwaasi oo aan wax xil dhaqan ah heyn, balse ay iyga ka dhigayaan madax dhaqan, kuwaasi oo ay ka dalbadeen inay u xukmiyaan kursiga, kana hor yimaadaan hadalka Ugaas Taakooy. Taasi oo fashil kusoo dhamaatay.
Haddii ay damaca Abdikariim iyo Maxamed Xaashi sii socda ayaa waxaa laga yaabaa inuu dhaco dagaalo galaafta nolosha dad badan, islamarkaana burburiyo gebi ahaanba nidaamka Galmudug.
Guddiga doorashada heer gobol iyo heer federaal ayaa u muuqda kuwa si dadban u fulinaya shirqoolkaasi ka dhan ka ah kursiga CELI/MARREEXAAN. Waxaase diidan arrintaasi guddiga khilaafaadka oo go’aamo lagu taageerayo hadalka Ugaas Taakooy iyo ergada uu qoray soo saaray, meeshana ka saaraya damaca madaxda Galmudug.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]