Madaxdu ma aysan sheegin nooca Maxkamadda la soo taagay Cabdi Cumar iyo xubnaha kale ee ka soo muuqday maxkamadda kuwaas oo todobaadkan la xiray.

Kiiska Maxkamada ee loo heystay Raggan ayaa ah in ay dambi ka dhan ah xuquuqda aadanaha galeen intii ay maamulayeen dowlad degaanka.

Warbaahinta Dowladda Itoobiya ma sheegin xukun ama hadal kama dambeys ah oo ka soo baxay Maxkamadeynta maanta, balse waxaa loo badinayaa in Maxkamada maanta ay tahay mid bilow ah.

Xubnaha kale ee maanta Maxkamadda ka soo muuqday waxaa ka mid ah:

1-Abdijemal Kelonbi- Wasiirkii Caddaaladda.

2-Rahma Mohammed – Wasiiraddii hore ee Haweenka iyo Carruurta.

3-Ibrahim Mehd- Wasiirkii hore ee Waxbarashada.

4-Dek Abdulahi –Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda Biyaha.

5-Ibrahim Mohammed Mubarek – Guddoomiyihii Jigjiga.

6-Omer Abdi – Madixii Siyaasadda ee Xisbiga Dowlad degaanka Soomaalida.

Geesta kale, Maxkamada maanta lasoo taagay Cabdi Cumar iyo Xubnihiisa ayaa lagu wadaa inay kasoo baxdo xukun ku dhaca mas’uuliyiinta xiran.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

[email protected]