Cabdi Iley oo soo bandhigay tirada Soomaalida ay ka badbaadiyeen gacanta Oromada

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha ismaamulka DDSI Cabdi maxamuud Cumar (Cabdi Iley), ayaa ka hadlay Soomaali farabadan oo ciidamada ismaamulka ay kasoo badbaadiyeen gacanta Qowmiyada Oromada dalka Ethiopia.

Hogaamiyaha ismaamulka ayaa sheegay in ciidamada maamulka ay soo badbaadiyeen 300 ruux oo Soomaali ah kuwaa oo u gacan galay Qowmiyada Oromada, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Cabdi maxamuud Cumar (Cabdi Iley), sheegay in dadkaasi aadka u farahabadan laga soo badbaadiyay Magaalada Hawaday oo ay degnaayen, kadib dilka 42 ruux oo Somali ah.

Waxa uu Cabdi maxamuud Cumar badbaadinta 300 ruux ka sheegay inta lagu guda jiray aas wadareed loo sameynaayay 18 ruux oo ka mid ahaa dadkii Soomaalida ahaa ee lagu laayay Magaalada Hawaday ee dalka Ethiopia.

”Ciidamadu kama aysan aamusin dhibta lagu hayo Soomaalida waxaan ku howlanahay badbaadinta Soomaali kale oo hadda ku sugan Magaalada Hawaday”

Haddalka Cabdi Cumar ayaa imaanaya iyadoo Qowmiyada Oromada dalka Ethiopia ay ku goodiyeen inay dilayaan qof waliba oo Soomaali ah ee ku dhaqan deegaanadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com