Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii lasii daayay siyaasiga Cabdi Nuure Siyaad Waal ayaa waxaa soo baxayay in marar badan warbaahinta isku dayday iney la hadasho siyaasiga, laakiin siyaasiga ayaa arimahaasi ka biyo diiday.
Hishiiskii dowlada Soomaaliya kusii deysay Cabdi Waal, ayaa waxaa kamid ahaa inuusan la hadli Karin warbaahinta, waxaana soo baxaya iminka inuu sharuudahadaasi u hogaansamay.
Qaar kamid ah ehelada Cabdi Waal ayaa sheegay in warbaahinta ay xiriiro kala duwan la sameysay Cabdi Waal, balse uu diiday inuu wareysi siiyo, isaga oo dhowraya hishiiskii lala galay.
Siyaasiya ayaa 7 Maarso laga soo qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaana markii dambe loosoo gudbiyay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu xiray hoyga Habar Khadiijo oo nabad sugida dagan tahay.
Ehelada qaar ayaa waxay sheegayaan in hayadaha amaanka ay jirdil u geysteen siyaasiga C/waal, waxaase Cabdi Waal uu ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]