Cabdi Weli Gaas oo ceeboobay (Xog iyo gorfeyn)

C/weli Gaas waa ceeboobay, waa haddii ay ceebo karto, kaddib markuu la soo dhex fadhiistay masu’uliyiin Afrikaan ah CALAN ka duwan kii lagu yaqiin Somaliya, isagoo weliba isla fiican oo qoslaya.

Horey ayaan u soo qoray in C/Weli Gaas inuu yahay cadawga ugu weyn ay Soomali leedahay…bal dib u fiiri oo akhri maqaalki cinwaankiisu ahaa ”C/weli Gaas Somali ma yahay?” Maanta waxaa cid walba u caddaatay inuu yahay cadaw ku dhex jira ummadda kana shaqeynaya in Somaliya ay dunto aysan dowlad dambe noqon. Waxaan akhriyay qormo cinwaankeedu ahaa ”P/land oo goosata waa guul” meesha ay arrintu taagan tahay maanta waa meel aad uga fog midnimada Somalida kaddib markuu Addis Ababa la soo horfadhiistay wufuud ka socota waddamo kala duwan oo IGAD u badan uuna soo bandhigay calan-ku-sheega Puntland!!! Bal fiiriya meeshey arrintu mareyso. Runtii sida horey loo sheegay waxay ahaan lahayd farxad ay Somaali oo dhan ku qabowsato haddey Puntland go’i lahayad, waayoo waxay noo xaqiijiyeen hal-ku-dhegi ahaa NIN WUXUU KA FAANO MID KALAA KU FAANA.

Jinsiyada Somalida waa wax lagu faano oo adduunka qiimo weyn ka leh, waana dad aad u jecel dalkooda, kuna faana inay u dhasheen Somali…waa ayaan darro in C/weli Gaas magaciisa laga hormariyo Dr oo ah darajada ugu sareysa ee tacliinta, waayoo ninkaan waxaa hubaal ah inuusan xataa dhammeysan waxa loo yaqaano” formal education” oo ah ilaa dusgi sare. Darajada PhD (dr) waxay dhimatay marki ay sheegteen Faroole & C/weli meel weyn ayaana looga dhacay darajadaas cilmiga ah, waana in laga xaal-mariyaa. Aqoonta waxaa lagu qeexaa ”education is change in behaviour” oo micnaheedu yahay tacliintu waxay beddeshaa hab-dhaqanka qofka..

Waxaa jirta maah-maah dheheysa ”hanqaraarac lug uma hitiyo”Somaliya waa ka maarantaa gobol kasta oo ismooda inuu yahay tiir hadduu ka baxo uu dalku dumaayo nimaan laga maarmin ma jiro (nobody is indispensble)…Cabdiweliyow ogaaw Puntland waa kaa maarantaa, Soomaaliyana Puntland waa ka maarantaa.

Waxyaabaha lala yaabo waxaa ka mida in mar kasta ay Puntland ka hadasho DUSTUURKA DALKA, Waxaana isaga khaldan in Dustuurku uu ka dhxeeyo ummadda oo dhan ee ma ahan wax ay Puntland leedahay ama ay ka hadli karto wixi laga beddelo iyo wixi lagu kordhiyoرحم الله امرءا عرف قدرنغسه oo micnaheedu yahay Allaha u naxariisto qofki garta awoodiisa inta ay la’egtahay, waayoo maanta waa la weysan yahay qof yaqaanna meesha uu uga jiro mujtamaca waxayna Puntland ku mashquushay Dustuur aysan wax shaqo ah ku lahayn. Waxay ku leeyihiin dowladdu waxba kuma deri karto mana ka beddeli karto howshaana waxaa leh shacabka sida ku xusan warsaxaafadeedka ay manta soo saareen!!!

Tallaabada noocaas ah maxaan ku sifeyn karnaa? Waa dad aan weli dareemin in dalkaani leeyahay dowlad u xilsaaran loona wakiishay fulinta howlaha ummadda…laakin Puntland ma aqoonsana in Somaliya ay dowlad leedahay, waana tan ku khasabtay C/Weli Gaas inuu Ethiopia u caroodo garbasaarkiisana horey u qaato una muuqda qof aan soo noqon doonin!!!

C/weli laba mid dooro: inaad dalkaan ka go’day oodan wax shaqo ah ku lahayn waxa ka dhacaaya ama in aad ka mid tahay ood safka gadaal ka soo gasho adoo aamusan ilaalinayana edebta iyo xushmada ay dalka iyo Madaxdu leeyihiin…haddii taa lagaa waayo ogaaw inaad xeendaabka dalka Soomaaliya ka baxday…taasoo u muuqata himiladaadi aad ku hamineysay oo ahayd inaad ka noqoto dalalka deriska“2nd Class citizen”. Kuwi kugu raacana aad horey u wadato umadduna ay shartiina ka badbaado Inshaa Allaah..

W/Q: Cali Mubaarak

ali_mubarak1@outlook.com