25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Cabdi Weli Gaas oo mar kale la soo baxay faan yaab leh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas, ayaa ka hadlay dagaal dhawaan ka dhacay Degmada Qandala oo u dhexeeyay ciidamada maamulka iyo maleeshiyaadka Daacishta Somalia.

Gaas ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid Jihaadi ah, isla markaana ciidamada maamulka ay isaga xoreynayeen waxa uu ugu yeeray Khawaarijta Somalia ee ka shidaal qaadata Daacishta Syria iyo Ciraaq.

C/wali Gaas waxa uu ku faanay in horay uu u sheegay in Argagixisada Daacish aysan kusii nagaan doonin Degmada Qandala, waxa uuna tilmaamay in ciidamada Puntland ay aad ugu mahadsan yihiin guulaha ay ka gaaren dagaalka ay Qandala kula galeen Daacishta Somalia.

“Dhab ahaantii aad baan ugu faraxsananahay magaalada inay xor tahay, inta yaroo ka hartayna in la’isa sii raaciyo nimankaa sharwade-yaasha, oo ciidamadu ay hawlgalka sii wadaan.”

Saraakiisha ciidamada ayaa ku amray inay kusii siqaan Goobaha ay iminka ku sugan yihiin Daacishta Somalia, si buu yiri loo soo afjaro maleeshiyada.

Dhinaca kale, C/wali Gaas ayaa ciidamada u ballanqaaday inuu gudoonsiin doono abaalmarin waa haddii ay suuragaliyaan ciribtirka Daacishta haraadiga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News