26.3 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Muqdisho: Cabdi Xaaji Goobdon oo geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Alle ha u naxariistee waxaa waaberigii saaka magaalada Muqdisho ku geeriyooday Cabdi Xaaji Goobdoon, oo si weyn looga yaqaan dalka Soomaaliya muddo bandanna ka shaqeynayay arimaha warbaahinta.

Cabdi Xaaji, ayaa u geeriyooday xanuun dhanka wadnaha ah oo kusoo booday waaberigii saaka, isaga oo la dhigay mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Abuukar Xaaji oo la dhashay Cabdi Xaaji ayaa xaqiijiyay geerida walaalkii, wuxuuna sheegay in xanuunka uu ahaa mid si kedis ah ugu soo booday, laakiin muddo sanad ah ayuu sheegay inuu hayay xanuunka neefta ah.

Sidoo kale wuxuu ka sheekeeyay Taariiqda walaal, isagoo sheegay in Cabdi uu Raadiyaha qaranka Soomaaliya ku biiray sanadkii 1961, isaga oo ka shaqeeyay qeybaha kala duwan ee warbaahinta.

Alle ha u naxariistee Cabdi Xaaji wuxuu ku dhashay magaalada Jigjiga sanadkii 1938, wuxuuna ku waxbartay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdi Xaaji, ayaa ka shaqeynayay wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya, wuxuuna kamid ahaa dadkii wax ka dajiyay sharciga saxaafada Soomaaliya oo dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ay saxiixeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News