Jigjiga (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ayaa maanta loo doortay hoggaanka sare ee ururka ONLF, kadib kulan ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaas oo ay isugu yimaadeen xubnaha ururka.
Golaha Dhexe ee ONLF ayaa xilkan u doortay Qalbi-dhagax, iyagoo xilkii guddoomiyenimo ka qaaday Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, kaas oo lagu eedeeyay inuu ku kacay tallaabooyin ka hor imaanaya xeer-hoosaadka ururka.
War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay ONLF ayaa lagu sheegay in guddoomiyihii hore uu jabiyay xeer-hoosaadka ururka, faragelinna ku sameeyay habraaca go’aan-qaadashada, isla markaana khatar geliyay badqabka xubnaha xisbiga.
Kaddib xil ka qaadistaas, Cabdikariin Qalbi-dhagax oo horey u ahaa ku-xigeenka guddoomiyaha ONLF, ayaa si rasmi ah loogu doortay xilka guddoomiyaha, wuxuuna sii hoggaamin doonaa ururka ilaa laga gaarayo shirweynaha guud ee xiga.
Sidoo kale, ururka ONLF ayaa hoosta ka xariiqay in mowqifkiisu weli yahay sidii hore, islamarkaana uu taageersan yahay heshiiskii nabadeed ee la gaaray sanadkii 2018, kaas oo ay ku tilmaameen tiirka nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan deegaan Soomaalida Itoobiya.
Qalbi-dhagax, oo ah sarkaal sare oo ururka ONLF ah, ayaa si weyn loogu xasuustaa doorkiisii dagaalka ururka, iyadoo xusuus gaar ahna loo hayo dhacdadii ay dowladda uu hoggaaminayay Farmaajo ugu gacan gelisay Itoobiya. Arrintaas ayaa dhaliyay caro weyn, hase yeeshee markii dambe ayuu dib u helay xorriyaddiisa, kaddib isbeddallo siyaasadeed oo ka dhacay Itoobiya.
Isbeddelka haatan lagu sameeyay hoggaanka sare ee ONLF ayaa kusoo beegmaya xilli uu khilaaf culus u dhexeeyo ururka iyo maamulka Madaxweyne Mustafe Cagjar, kaas oo ay isku hayaan arrimo la xiriira maamulka dowlad-deegaanka Soomaalida.
Ururka ONLF ayaa dhowaan ku eedeeyay Mustafe Cagjar waxqabad la’aan iyo hoggaan xumo, taasoo uu madaxweynaha si adag uga jawaabay, isagoo eedeymahaas ku tilmaamay kuwo aan sal lahayn.
Cagjar ayaa dhankiisa ONLF ku sifeeyay koox adag oo aan dulqaad badan lahayn, sida uu hadalka u dhigay.
“Baahiyaha shacabka deegaanka haysta waa badan yihiin, dowladduna marnaba kuma doodin inay ka jawaabi karto dhammaan baahiyaha horumarineed ee shacabka. Waxay ka jawaabeysaa kuwa ay u aragto in lagu xallin karo tabarta jirta,” ayuu yiri Madaxweyne Cagjar.
Si kastaba ha ahaatee, ururka ONLF ayaa si cad u muujiyay niyad-jab uu ka qabo tallaabooyinkii u dambeeyay ee xisbiga talada haya, taasoo hoos u dhigtay kalsoonidii labada dhinac, kuwaas oo horay u yeeshay wada-hadallo lagu xallinayay khilaafkooda siyaasadeed.

