Cabdiraxmaan Faroole oo ku dhawaaqay go’aan lama filaan ah oo uu isku casilay

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in Senator C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu iska casilay xubinimadii Guddiga Wadajirka Dastuurka ee Baarlamaanka labada Aqal.

C/raxmaan Faroole oo todobaadkii tagay ku guuldareystay noqoshada Guddoomiyaha Guddiga, ayaa iminka shaaciyay inuu iska casilay xubinimada.

C/raxmaan Faroole ayaa Is casilaadiisa ku dalbaday qoraal uu u gudbiyay Xildhibaanada Aqalka sare, iyadoo maanta kulan ka dhacay xarunta Aqalka Sare laga aqriyay codsigiisa Is casilaada ah.

Xildhibaanada oo C/raxmaan Faroole ka aqbalay codsigiisa ayaa waxa uu sidoo kale guddoonka Aqalka Sare dalbaday in la buuxiyo kursiga banaan.

Sidoo kale, Cabdi Xaashi C/llaahi Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada Aqalka sare inay muhiim tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan xal loogu helo buuxinta kursiga banaan, iyadoo Xildhibaanada ay iska dhex dooran doonaan xubinta.

Guddigana ayaa ka kooban 10 xubnood oo kala ah 5 xubnood ka socda Golaha shacabka iyo 5 xubnood oo ka socda Aqalka sare, kuwaasoo dhamaantood ah Rag.

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan C/raxmaan Faroole ayaa dadaal badan ugu jiray inuu noqdo Guddoomiyaha Guddiga dastuurka labada Aqal, ahayeeshee waxaa ka guuleystay Senator Cabdi Qeybdiid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com