Laascaanood (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne maamulka Waqooyi Bari Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo shalay looga adkaaday doorashadii ka dhacday Laascaanood ayaa ka hadlay sababihii keenay inuu isaga baxo hoolka, intii ay socotay doorashada.
Khaliif oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa marka hore sheegay inuu u tanaasulay dadkiisa, uuna aqbalay natiijada doorashada, isaga oo u hambalyeeyay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo shalay loo doortay Cabdulqaadir Firdhiye iyo Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Musharraxa laga adkaaday ayaa tilmaamay in shalay ay dhaceen khaladaad farsamo iyo awood sheegasho wax u dhimaya hufnaanta doorashada, sida uu hadalka u dhigay.
“Intii lagu guda jiray habsami u socodka doorashada, in kasta oo ay dhaceen khaladaad farsamo loogu awood sheeganayay Guddiyada iyo Xildhibaanada wakiilka ka ah bulshada oo wax u dhimay hufnaanta doorashada, abuurayna kala qaybsanaan, haddana anniga oo qiimaynaya duruufta dadkayga iyo wadajirka ummadda, waxaan bogaadinayaa natiijada laga gaaray doorashada iyo dowlad-dhiska” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cabdirisaaq Khaliif.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhammeystiran:-
Hambalyo iyo Bogaadin
Waxa aan hambalyo u dirayaa Madaxda cusub ee Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaali Madaxweyne Mudane Cabdilqaadir Axmed Awcali (Firdhiye) iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdirashiid Yuusuf Jibriil. Waxaan Rabbi uga baryayaa in uu Ilaahay u fududeeyo xilka iyo mas’uuliyadda culus.
Waxaa kale oo aan u mahad celinayaa xubnaha baarlamaanka maamul goboleedka Waqooyi Bari, ciidamada amaanka iyo guddiga abaabulay doorashada oo hawl weyn u qabtay bulshada. Hawl wadeenadaan oo todobaadyo u soo jeeday hawl qaro weyn oo mudan in lagu bogaadiyo.
Intii lagu guda jiray habsami u socodka doorashada, in kasta oo ay dhaceen khaladaad farsamo loogu awood sheeganayay Guddiyada iyo Xildhibaanada wakiilka ka ah bulshada oo wax u dhimay hufnaanta doorashada, abuurayna kala qaybsanaan, haddana anniga oo qiimaynaya duruufta dadkayga iyo wadajirka ummadda, waxaan bogaadinayaa natiijada laga gaaray doorashada iyo dowlad-dhiska.
Waxaa mudnaanta koowaad leh geeddi-socodka dowladnimada, waxaan ugu baaqayaa hogaanka cusub in uu abuuro jawi degan oo bulshada isu soo dhoweeya.
Markasta midnimo iyo wada jir ayaa ina deeqda, waxaana noo ballan ah horay u socod wanaagsan iyo wadashaqayn dhammaanteen.

