Cabdirsaaq Khaliif oo ka degay Garoowe + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa ugu dambeyn gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kadib markii uu dhowaan isaga baxay guud ahaan maamulka Somaliland.

Khaliif ayaa kulan hordhac ah madaxtooyada Puntland kula yeeshay madaxweyne Saciid  Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash oo si ballaaran ugu soo dhaweeyay magaalada Garoowe oo uu tegay markii ugu horeysay, tan iyo markii uu is casilay todobaadkan uun.

Sidoo kale labada dhinac ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku aadan dagaalka Laascaanood, maadaama ay weli duqeymo ku socdaan magaaladaasi.

Marka laga tego sawirrada kulanka oo la faafiyay ma jiro wax faah faahin ah oo ay labada dhinac ka bixiyeen kulankaas oo ku soo aaday, xilliu xasaasi ah.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa 11-kii bishaan June, 2023 iska casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Laascaanood.

“Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,” ayuu is casilaaddiisa ku yiri Cabdirisaaq Khaliif.

Sidoo kale waxa uu iska casilay xisbiga Waddani oo  uu ka tirsanaa, taasi oo ka dhigan inuu gebi ahaanba ka baxay siyaasadda Somaliland, sida ay hore u sameeyeen siyaasiyiin ku deegaan ah.

Ninkan oo si weyn ay u kala fogaadeen Somaliland kadib dagaalka dhowrka bilood ka socda Laascaanood ayaa tallaabadan qaaday kadib xukuumadda Somaliland ay ka gudbisay dacwd ay ku dalbaneyso in la laalo xubinnimadiisa Golaha Wakiillada.

Si kastaba, tagistiisa Garoowe ayaa sii hurineysa xiisadda haatan Puntland kala dhexeysa Somaliland, taas oo sii laba kacleysay, kadib markii uu qarxay dagaalka Laascaanood.