26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Gaas oo loo magacaabay xilkii ugu sareeyay ee qof Soomaali ah uu ka qabto…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta loo magacaabay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika u qaablisan arrimaha Suudaanta Koonfureed.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa sidoo kale noqonaya Madaxa Ergada Midowga Afrika u joogta Juba.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Maxamuud Cali Yuusuf ayaa u xushay Gaas xilkaan, kadib markii uu ku qancay sooyaalkiisa shaqo iyo aqoonneed, sida lagu yiri warqada magacaabista rasmiga ah.

Dr. Gaas ayaa noqonaya qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xil noocaas ah ka qabta Midowga Afrika, taasoo sare u qaadaysa sumcadda iyo saameynta Soomaaliya ee gobolka Geeska Afrika.

Cabdiweli Gaas ayaa waxay shaqadiisa wakiilnimo si rasmi ah u bilaaban doonta 1-da bisha July ee sanadkan 2025.

Magacaabistan ayaa qayb ka ah dadaallada Midowga Afrika uu ku doonayo in uu door muuqda kaga qaato xal u helista colaadda muddada dheer ka taagnayd dalka Suudaanta Koonfureed.

Soomaaliya oo xubin ka ah Urur Goboleedka IGAD, kaasoo door muhiim ah ka ciyaara dadaallada nabadeynta Geeska Afrika ayaa kaalin firfircoon ku leh arrimaha South Sudan. Sidaas darteed, magacaabista Dr. Gaas waxay muujinaysaa kalsoonida la gelinayo doorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo waaya-aragnimada shaqsiga loo xulanayo howlahaas.

Midowga Afrika horey uma lahayn Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha Bariga Afrika, halka ay qaaradaha kale sida Galbeedka, Koonfurta iyo Bartamaha Afrika horey u lahaayeen ergo gaar ah. Sidaas darteed, magacaabista Dr. Gaas waxay muujinaysaa isbedel cusub oo Midowga Afrika uu doonayo inuu ku dardar-geliyo doorkiisa siyaasadeed ee gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News