26 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Cabdiweli Gaas oo wasiiradiisa kusoo dari doono siyaasi ay hub isku qaateen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimadda Online) – Sadaalin ay saameeyeen Siyaasiinta Puntland gaar kuwa ka soo jeeda gobalka Bari ee Puntland ayaa lagu sheegay in C/Samad Maxamed Galan Gudoomiyihii hore ee gobalka Bari ee Puntland uu ka mid noqon doono Golaha Wasiirada ee Puntland.

Galan ayaa dagaal culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac la soo galay Xukumadda Gaas waxana wadahal la sameeyay ka dib lagu guuleestay in waan waan lagu dhameeyo.

Ilo wareedyada inoo soo gudbiyay warkaan ayaa sheegaya in Galan uu noqon doono midkood Wasiirka Arimaha Gudaha­ ama Wasiirka Amniga Puntland.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan waxaa lagu xasuustaa Xiligii Xukuumadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gobolka Bari oo uu shaqooyin badan ka Qabtey Gobolka.

Madaxweyne Gaas markuu Xilka la wareegayna wuxuu noqdey Mucaarad hubeysan oo aad ugasoo horjeedey Xukuumada Madaxweyne Gaas, Sanadkii hore dabayaaqadiisii atju Galan Hubka dhigay wuxuuna heshiis is afgarad ah la galay Xukuumada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News