25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Cabsi ka jirta Puntland & ciidan lagu daadiyey…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Saacadihii ugu danbeeyay ayaa waxaa la adkeeyay amaanka Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso kadib markii maamulka Puntland uu walaac ka muujiyay xaalada amaan.

Maareeyaha Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso Bashiir Muuse C/raxmaan, ayaa sheegay in la adkeeyay amaanka Garoonka, isaga oo ku micneeyay adkeyntaasi ka feejignaanta Qarax lamid ah kii dhawaan lagu xiray diyaarada Daallo.

Waxaa uu tilmaamay in garoonka xaaladiisa ay tahay mid dagan isaga oo intaa ku daray in garoonka amaankiisa guud wax laga badalay laguna xoojiyay ciidamo tababar gaar ah leh, kuwaasi oo uu sheegay inay baarayaan rakaabka ku qoran duulimaadyada iyo kuwa soo galaaya garoonka.

Waxa uu sheegay in hal hal loo baarayo Rakaabka ku qoran duulimaadyada si uu yiri looga hortago Qarax lagu soo qariyay Laptoob ama mid caadi loo diyaariyay, waxa uuna Maareeyuhu sheegay in cashir ay ka barteen Qaraxii lagu haligay rakaabkii saarnaa Daallo.

Haddalka Maareeyaha Garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso Bashiir Muuse C/raxmaan, ayaa imaanaaya xili dhawaan Qarax lagu soo diyaariyay Laptoob laga dhex fuliyay Diyaarada Daallo oo qadar yar un ka hor ka duushay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News