25.4 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Gudoomiye Tarsan: Cadaalad la’aanta dalka ka jirto ayaa amni darada keentay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah Gudoomiyahii hore ee gobalka Banaadir, ayaa sheegay in dalka uu kusii baahayo Cadaalad darida lagu hayo Bulshada, taasi oo uu ku sheegay mid sabab u ah Ammaan darida ka taagan Magaalada Muqdisho.

Tarsan oo arrintaasi ku tilmaamay mid halis ku ah dalka, ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay helitaanka cadaaladda bulshada Soomaaliyeed, si looga gudbo dhibaatooyinka heysta umadda, loona helo horumar dhinacyo badan leh.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Wuxuu Tilmaamay in maamulka Somaliland ay ugu baaqayaan inuu la qaato aragtidani si loo gaaro midnimada shacabka Soomaaliyeed oo dagaaladii Sokeeye ee dalka qoloba meel ciirsatay.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Somalia si rasmi ah looga dhaqan galiyo Cadaalada wuxuuna ka dhawaajiyay in jiritaanka cadaalad darrada heysta Somalia ay tahay mid ka dhalatay dhibaatooyinka iminka taagan.

Dhanka kale, waxa uu ka digay in Cadaalad darida ka taagan dalka ay kusii baahdo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News