Warqad: Ahlu Sunna oo soo saartay qodobo xasaasi ah kuna dhawaaqday in Galmudug…

Guriceel (Caasimada Online) –  Maamulka la baxay dowlada gobolada dhexe ee Ahlu Sunna ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay ku qornaayeen qodobo aad xasaasi u ah oo ay uga hadlayaan xaaladaha siyaasadeed oo uu dalka marayo.

Ahlu Sunna ayaa ka dowladda Soomaaliya ka codsaday in la fuliyo dhammaan is afgradkii dhex maray dowladda cusub iyo Ahlu Sunna maadaama uu dhawaan madaxweynahooda Shiikh Maxamed Shaakir uu dhawaan Muqdisho kula kulmay Madaxwyenaha Soomaaliya .

Sidoo kale Ahlu Sunna ayaa dalbatay in qaban qaabada doorashada ka socoto Magaalada Cadaado la joojiyo dibna loo dhigo lana fuliyo amarka uu soo saaray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo dalbaday in doorashada muddo 45 casho ah dib loo dhigo.

Waxay sheegeen in loo baahan yahay si loo dhiso dowlada loo wada dhan yahay oo ka shaqeysa deegaanada Galgaduud iyo Mudug  in dib loo dhigo waqtiga ay qabsoomeyso doorashada.

Ahlu Sunna Waxay shaacisay in lagama maarmaan ay tahay in la dhiso dowlad loo wada dhan yahay oo ka shaqeysa Galmudug isla markaana loo sinaado  Maamulka Galmudug .

Ahlu Sunna ayaa u muuqata mid doonaysa inay wax ku yeelato Maamulka Galmudug oo hore ay u diidanayd sharci ahaantiisa inkstoo uusan jirin heshiis toos ah oo labada dhinac dhexmaray .

Haddaba halkaan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka ay soo sareyn Ahlu Sunna Wal-jameeca:

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com