Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii Hay’adda sirdoonka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya warqadiisa iscasilaada.
Cabdisalaan Yuusuf Guuleed, oo ah taliye ku xigeenka Dhinaca Howlgalada ciidamada NISA ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaasi, islamarkaana uu warqadiisa u gudbiyay madaxweyne Farmaajo.
Ma uusan sheegin Cabdisalaan sababta keentay inuu iska casilo xilka uu ka hayay NISA.