Cagjar oo sheego yaab leh ka sameeyey dagaalka Liyuu Boolis iyo Kooxda Al-Shabab

Jigjiga (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad deegaanka, Mustafe Muxumed Cagjar oo warbixin siinayey baarlamaanka deegaanka ayaa xog cusub ka bixiyey dagaalkii ka dhacay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya ee u dhexeeyey Liyuu Boolis iyo Al-Shabaab.

Cagjar oo su’aallo uga jawaabay xildhibaannada baarlamaanka ee dowlad deegaanka ayaa shaaca ka qaaday in dagaalladaas ay khasaare ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ka hortageen halis ku soo wajahneyd deegaanka, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Cagjar ayaa sidoo kale tilmaamay in uu aaminsan yahay in illaa 600 oo dagaalyahaan laga dilay kooxda Al-Shabaab, maalmihii ay socdeen howlgallada.

Waxa kale oo uu qiray in dhankooda uu khasaare ka soo gaaray dagaalladaasi, balse ma shaacin tirada dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray askarta ciidanka Liyuu Boolis.

“Waxaan aaminsanahay in 600 oo Al-Shabaab ah lagu dilay howlgalladii maalmahaan socday, illaa kuwii shalay, adna waxbaa kaa dhimanaya dabcan, aan ku dilo oo waxbana iga dhiman maayaan socon mayso, waa in la ogaado inaan dagaal ku jirno,” ayuu yiri Cagjar.

Dhanka kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ujeedka Al-Shabaab uu ahaa inay gudaha u galaan Itoobiya, kadina ay ka sameystaan saldhigyo ay ka qalqal-geliyaan amniga.

“Ujeedadoodu waxay aheyd inay deegaanka soo galaan, ciidan fara badan soo galiyaan, oo halkaas ay ka jabhadeeyaan. Laakiin, fursadaas lama siin,” ayuu raaciyey madaxweynuhu.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa ayaduna horey guullo waa weyn uga sheegatay dagaalladii ay la gashay ciidamada Liyuu Boolis, kadib duulaankii ay ku qaadeen dowlad deegaanka.