27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Calanka dalka oo la suray dukaamada Muqdisho kaddib amar kasoo baxay…!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa digniin u jeediyay mulkiilayaasha leh xarumaha ganacsiga ee ku yaalla qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, waxaana lagu amray in goobahaas la suro calanka Soomaaliya.

Wariye ka tirsan Shabakadda Caasimada Online oo maantay booqday suuqa Xamarweyne iyo goobo ganacsi ayaa sheegaya in uu soo arkay in goobahaas lagu dhajiyay calanka Soomaaliya.

“Maamulka Gobalka Banaadir ayaa nagu soo wargaliyay in goob kasta oo ganacsi lagu dhajiyo calanka Soomaaliya, cidii sidaas sameen weynso waxaa laga qaadayaa 500 oo shilling Soomaali ah” ayuu yiri Axmed Cismaan oo carwo ku leh Suuqa Xamarweyne.

Magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanaya xarumaha ganacsi ee waaweyn ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Shaley ayay ahayd markiii qaybo ka mid ah wadooyinka Muqdisho lagu dhajiyay nalal samaafarayaasha ee ku shaqeeya tamarta cadcadeeda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News