Cosoble oo hal arrin u soo jeediyey Xasan Sheekh kadib qaraxyadii BELEDWEYNE

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee dalka kadib qaraxyadii Axadii shalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyn.

Cali Cosoble ayaa soo hadal qaaday dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan kacdoonka shacab ee ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha dalka.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa soo jeediyey hal arrin oo uu tilmaamay in looga mira dhalin karo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, taas oo ah in dalka geliyo xaalad deg-deg ah, si loo wajaho kooxdaasi.

“Dagaalka ay dowladda kula jirto Al Shabaab wuxuu mira dhalayaa oo keliya marka uu Madaxweynaha geliyo dalka xaalad deg-deg ah,” ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in howlgallada ka socdo HirShabelle ay guuleysan doonaan, isla-markaana kooxda Al-Shabaab laga saari doono maamulkaasi.

“Saadaasha waa in Hirshabeelle laga sifeyn doono argagixisada,” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo ayadoo weli xaalad murugsan ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne, kadib qaraxyo ismiidaamin ahaa oo ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur.