Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay xildhibaanada kasoo jeeda HirShabelle + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaanada labada Gole ee ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe

Cali Guudlaawe ayaa kala hadlay xildhibaanada baarlamaanka ee laga soo doortay HirShabelle arrimo ku aadan dhammeystirka doorashada dalka, gaar ahaan mida guddoonka Golaha Aqalka Sare.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay xildhibaanada uu la kulmay inay qaataan kaalintoda, isla-markaana ay u midoobaan sidii ay u soo saari lahaayeen musharrax Cali Shacbaan oo ka soo jeeda Hiiraan, kaas oo u tartamaya xilka gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Cali Shacbaan oo ah nin dhalinyaro ah ayaa dadaal xoogan ugu jira ku guuleysiga xilkaasi, balse wuxuu loolan adag kala kulmayaa Senator Cabdi Xakiin Macalin Axmed oo isna isku soo taagay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Aqalka sare, kaas oo ka soo jeeda Galmudug.

Sidoo kale waxaa fashil ku soo dhamaaday gogol ay Galmudug u dhigtay HirShabelle, taas oo ay ku dalbaneysay in loogu tanaasulo  kursiga gudoomiye xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, balse waxaa dalabkaas ku gacan seeray xubnihii ka socday HirShabelle oo ku adkeystay inay tartamayaan.

Doorashada guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay beri ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana haatan caasimada laga dareemayaa diyaar garow ku aadan doorashadaasi.

Si kastaba, doorashada guddoonka cusub ee baarlamaanka ayaa muhiim u ah doorashada madaxweynaha oo iyadana dhowaan la guda geli doono, waxaana loolanka uu yahay mid culus.