Cali Guudlaawe oo tegay DEGMO ay halis ku hayaan Al-Shabaab, kadibna ka sameeyay…

Balcad (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Caki Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Cali Guudlaawe iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyay maamulka Balcad iyo shacabka degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray magaaladan oo ay halis ku hayaan Al-Shabaab kormeeray xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale waxa uu la kulmay saraakiisha ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa ATMIS oo uu kala hadlay qorshaha amniga iyo ka hortegga weerarada Al-Shabaab ee magaaladaasi.

Intaasi kadib Cali Guudlaawe ayaa daah-furay mashaariic muhiim ah, isla markaana ay waqti dheer ay sugayeen dadka deegaanka ee ku dhaqan aagga degmada Balcad.

Waxaa kale oo uu xariga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo kaas oo horumar u ah dadka deegaanka.

Madaxweynaha HirShabelle oo ka baxay Muqdisho ayaa safar dhulka ah ku gaaray Balcad, isaga oo maray laamiga dheer ee isku xira labada magaallo, kaas oo dib loo dhisay.

Balcad ayaa ah magaallo dalxiiseed qurux badan, balse waxaa mararka qaar weeraro toos ah kusoo qaada Al-Shabaab oo ku sugan deegaano u dhow magaaladaasi.

default