Cali Guudlaawe oo xil culus u magacaabay mas’uul iska soo casilay GALMUDUG

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo wareegto soo saaray ayaa xalay magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaasi.

Xilkan culus ayaa waxaa loo magacaabay, Cabdullaahi Maxamuud Gacal, kadib so jeedin ka timid Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Arrimaha Garsoorka ee maamulka Hirshabelle.

“Waxaa Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal loo magacaabay xilka guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowlad goboleedka HirShabelle. Xeerkan wuxuu dhaqan-galayaa marka uu saxiixo madaxweynaha, wuuna saxiixay” ayaa lagi yiri digreetada soo baxday.

Gacal ayaa sidoo kale horay ula soo shaqeeyay Galmudug, wuxuuna ahaa guddoomiyaha maxkamadda sare ee maamulkaaas, isaga oo xilkaas uun iska soo casilay laba maalin kahor.

Sidoo kale wuxuu horay u soo noqday Xeer Ilaaliyaha guud ee Hirshabelle ayada oo haatan markale loo magacaabay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Dad badan ayaa is weydiinaya sababta iyo sida ay ku suuragshay in ninkan uu isku dabo maro Galmudug iyo HirShabelle, waxaana Caasimada Online ay ogaagay inuu dhashay labada maamul oo haddane daris sii ah.

Dhanka kale madaxweynaha HirShabelle oo wareegto kale soo saaray ayaa xalay kala diray garsoorka gobolka Shabeelaha Dhexe oo bilihii lasoo dhaafay loo jeedinayay dhaliilo xoogan.

“Laga bilaabo maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 08/04/2023, waxaa la kala diray
Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe. Xeerkan wuxuu dhaqan-gelayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha, waana uu saxiixay.” ayaa lagu yiri wareegtada kala dirida golahaas.

Go’aanka lagu kala diray Garsoorka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa sidoo kale soo jeediyay Wasiirka Caddaalada iyo arrimaha Garsoorka ee dowlad goboleedka Hirshabelle.