28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Cali Khaliif Galeyr oo ku sugan Burco iyo maleeshiyaad ku qasbay inuu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Togdheer ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr uu kusugan yahay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Arintan  ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweyne Galeyr loo diiday inuu diyaarad ka raaco degmada Buuhoodle, uuna tagay magaalada Burco oo Somaliland ay maamusho.

Galeyr ayaa doonayay inuu diyaarad ka raaco Buuhoodle uuna tagaa  dalka Jabuuti, balse is hor istaag lagu sameeyay.

Maleeshiyaad deegaanka ah oo kazoo horjeedo Galeyr ayaa u diiday inuu ka dhoofaa magaalada Buuhoodle, taasi oo qasabtay inuu tagaa degmada Burco.

Maamulka Somaliland ayaa horay wada hadal ula galay Xukumadda aan weli la aqaansan ee Madaxweyne Cali Khaliif Galeyr,balse weli Madaxweyne Galeyr kama hadlin Hakintii lagu sameeyay Safarkiisa iyo Sababta uu u tagay Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News