27.1 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Caqabad soo wajihi karta mooshinka cusub

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gudbiyay mooshin ay ku doonayaan in dib loo dhigo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, lana dhiso maamulkaasi kadib dhismaha baarlamaanka cusub ee dalka.

Xildhibaanada mooshinka ku saxiixan ayaa gaaraya inka badan 42 xildhibaan waxaana ay dhamaantood soo jeediyeen in dib loo dhigo dhismaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Mooshinka oo Caasimada Online ay heshay ayaa waxaa ku saxiixan 43 xildhibaan, waxaana ugu waaweyn xildhibaan Khadiiyo Maxamed Diiriye, Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Cabdulaahi Goodax Barre oo dhamaantood wasiiro ka ahaa xukuumadii ka horeysay Cumar C.rashiid.

Caqabadaha ka imaan kara mooshinka xildhibaanada ay gudbiyeen ayaa waxaa ugu horeeyo in dhamaan xildhibaanada gudbiyay aysan badankood kasoo jeedin gobolada maamulka loo sameynayo ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Xildhibaano aan ka badneyn 10 ama xitaa aan gaareynin ayaa kasoo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe kuwaasi oo kamid ah xildhibaanada saxiixay mooshinka., waxaana ay caqabad kasoo wajihi kartaa haddi xildhibaanada kale loo sheego ineysay goboladaasi ka hadli karin oo dadka aysan matalin.

Caqabada kale ee ka dhalan karta ayaa ah haddii mooshinkaasi meel maro in dib u dhac kale oo weyn uu ku noqonayo  maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana saxiixayaasha xildhibanada labada gobol u matalaya aqalada hoose iyo sare ee baarlamaanka la haan doona gudoomiyaasha labada gobol.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News