Muqdisho (Caasimada Online) – Dhoofka xoolaha Soomaaliya ayaa kor u kac weyn ka helaya tartan sii yaraanaya oo kaga imanayay waddamada Australia iyo Sudan, taasoo ka caawin karta in dhoofkeedu uu sanadkan dhaafo hal bilyan oo dollar.
Soomaaliya ayaa dakhliga ka soo gala dhoofka xoolaha nool waxa uu kor uga kacay $523 milyan oo dollar sanadkii 2021 ilaa $974 milyan oo dollar sanadkii hore, sida ay muujinayaan xogaha dowladda, waxaana la filayaa in isbeddelkaasi uu sii socdo.
“Kororkan waxaa loo aanayn karaa laba sababood oo waaweyn, tan koowaad, Sudan oo mar ahayd dal weyn oo xoolaha dhoofiya, ayaa hadda wajahaysa colaad. Tan labaad, Australia oo iyaduna ahayd dal kale oo muhiim u ah dalalka Khaliijka, ayaa yaraysay dhoofkeeda,” ayuu yiri Qaasim Cabdi Macallim, oo ah agaasimaha caafimaadka xoolaha ee wasaaradda xannaanada xoolaha Soomaaliya.
“Tani waxay Soomaaliya u saamaxday inay ka faa’iidaysato xaaladda oo ay dardargeliso dhoofka xoolaheeda.”
Inay u dhowdahay suuqyada muhiimka ah ee Khaliijka, oo ay ku jiraan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya, ayaa sidoo kale u ahayd faa’iido Soomaaliya, ayuu raaciyay.
Ganacsiga dhoofka xoolaha nool ee Australia ayaa hoos u dhac weyn sameeyay sannadihii u dambeeyay, iyadoo dalkaas uu ku wajahan yahay in gebi ahaanba la joojiyo dhoofka idaha ee dhinaca badda marka la gaaro bisha May 2028. Waxay dhoofisay 652,000 oo neef oo ido ah sannadihii 2022-23, halka tiradaas ay ahayd 5.9 milyan labaatan sano ka hor, sida lagu sheegay xogta dowladda.
Soomaaliya waxay sheegtay inay sidoo kale la wareegtay qayb weyn oo ka mid ah suuqyada Khaliijka oo ay horey u adeegi jirtay Sudan, halkaasoo labo sano oo dagaal sokeeye ah ay burburiyeen dhaqaalaheeda. Sacuudi Carabiya oo keliya ayaa qaadatay xoolo nool oo qiimahoodu yahay $715 milyan oo dollar sanadkii 2023, markaas oo uu dagaalku qarxay, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda Sudan Transparency and Policy Tracker.
Inkastoo ay ku jirtay xasilooni darro in ka badan soddon sano, Soomaaliya waxay leedahay tiro xoolo ah oo gaaraysa 57 milyan oo neef, sida uu sheegay Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir. Waxay sanad walba Bariga Dhexe u dhoofisaa inta u dhaxaysa afar milyan ilaa lix milyan oo neef oo xoolo ah, ayuu yiri.
Xoolaha nool ayaa noqday dhoofka ugu muhiimsan ee Soomaaliya, inkastoo ay jiraan colaado socda iyo abaaro soo noqnoqda.
Iibka la filayo ee sanadkan oo gaaraya $1 bilyan oo dollar ayaa ka sarreeya dakhliga gudaha ee dowladda oo lagu qiyaasay $430 milyan oo dollar, sida ay sheegeen qiyaasaha wasaaradda maaliyadda.
Guud ahaan, dalku wuxuu miisaaniyaddiisa sanadkan ku qorsheeyay inuu qarash gareeyo $1.36 bilyan oo dollar, kaasoo intooda badan ay bixiyaan deeq-bixiyeyaal.