25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Carabta ee ku jirta baarlamanka Israel oo arrin yaab leh damacsan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Carabta ee ku jira baarlamaanka Israel ayaa wacad ku maray inay dacwad ka gudbin doonaan Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.

Xubnaha ayaa Netanyahu ku eedeeyay inuu ka shaqeynaayo carqaladeynta, gumaadka hurinta colaada ka dhanka ah muwaadiniinta Falastiin inta lagu guda jiray dabkii ka holcay ee ku faafay dhulka Yahuuddu haysato ee Falastiin.

Ra’isul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa dabkii loogu magacdaray ”Rabaaniga” ku eedeeyay inay ka danbeeyen Muslimiinta Falastiin, sida uu hadalka u dhigay.

Benjamin Netanyahu, waxa uu sheegay in dabkaasi uu ahaa fal argagixiso oo ay ka danbeeyeen Muslimiinta Falastiin.

Benjamin Netanyahu, waxa uu sidoo kale, sheegay in dabkii ku faafay Israel ay u ciqaabi doonaan dad badan oo kasoo jeeda dalalka islaamka, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dhulka Falastiin.

Xubnaha Carabta ee ku jira baarlamaanka Israel, ayaa sheegay in madaxda Israel qudhooda ay dhagaha ka cubteen markii ay kumanyaalka reer Israel ay hurinayeen colaada ka dhanka ah Carabta.

Geesta kale, Xubnaha Carabta ee ku jira baarlamaanka Israel ayaa sheegay in Dacwada Benjamin Netanyahu ay u gudbin doonaan QM iyo Madaxda kale ee caalamka, si loo arko dhibta uu Netanyahu ku hayo dadka Islaamka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News