Cawad oo beeniyey warqad la sheegay inuu Puntland ugu faa’iideeyey heshiis

Beijing (Caasimada Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hogaaminayo ayaa magaalada ee dalka Beijing kulan kula qaatay Madaxda ugu Sareysa ee Shirkadda China Civil Engineering Construction Corporation Ltd (CCECC.)

Wasiirka Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Khayraadka Badda Puntland Faarax Cawaash iyo Madaxa Shirkada CCECC ayaa kala sixiixday dhismo deked kalluumaysi oo casri ah oo shirkaddu ka hirgalinayso degmo Eyl ee gobolka Nugaal.

Waxaa kadib soo baxay warqad la sheegay inuu qoray wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo loo diray safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho.

Qoraalkan oo ku taariikheysan 7-da May, ayaa sida ka muuqata, waxa uu Cawad uu ugu sheegay dowlada Shiinaha in dowlada Federaaalka Soomaaliya ay raali ka tahay heshiiska lala galayo madaxda Dowlada Puntland, islamarkaana ay soo dhaweynayso heshiiska, oo sida uu sheegay, kaalin wax ku ool ah ka qaadanaya horumarka Puntland.

Si kastaba wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa beenisay inay ayada ka timid warqadda, waxayna sheegtay inay tahay beel cad oo lasoo dhoodhoobay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu yiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxa ay caddeynaysaa in warqadda lifaaqa ah ee lagu baahiyay Warbaahinta Bulshada aanay ka soo bixin Wasaaradda, sidaas awgeed ay tahay been abuur la dhoo-dhoobay.”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com