26.9 C
Mogadishu
Sunday, June 15, 2025

Muxuu Cawad ku tilmaamay warqada ay DF u dirtay C6+?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo ka qayb-galay barnaamij dood oo ka baxay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tallaabadii ugu dambeysay ee ay qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.

Cawad ayaa si weyn uga horyimid go’aanka dowladda dhexe ay ka qaadaywakiilada beesha caalamka, gaar ahaan kooxda C6+, isaga oo waradda ay u dirtay ku tilmaamay ceeb iyo baratakool xumo, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirkii hore arrimaha dibadda ayaa xusay in wasiiru dowlaha soo saaray warqadda aanu xittaa geli gelin xerada Xalane, sidaas darteedna aan go’aankiisa lagu kala dirin karin C6+.

“Wasiiru dowluhu intuu warqad iska qoro oo magaciisa uu ku saxiixo ma dhihi karo C6+ ma jirto. C6 isagu ma abuurin. Safaarado joogo waaye, kuwa na maamulaya waaye. Wasiirka sidaas dhahaya Xalane ma geli karo haddii aanu askari Ugandhays ah baarin,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in go’aankan uu ka dambeeyo xanaaq ay dowladdu ka qaaday kulamadii ay wakiilada beesha caalamka la yeesheen xubnaha mucaaradka, isla-markaana ay diidan yihiin dhaq-dhaqaaqa socda ee ku aadan khilaafka sii huraya ee dalka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in ujeedka beesha caalamka uu yahay sidii ay dhinacyadu isugu imaan lahaayeen, isla-markaana ay go’aan uga gaari lahaayeen khilaafka dhexdooda ah, isaga oo xusay in xittaa mararka qaar safaaradaha ay dadka Soomaaliyeed uga roon yihiin madaxdooda.

“Waxa uu ka xanaaqsan yahay oo uu lixda safiir u maagaayaa waxaa weeye, C6 waxay la kulmeen mucaarad, waxay u tageen madaxweynaha oo ku dhaheen dadkaaga la heshii, adiga iyo Jubbaland isla hadla, adiga iyo Puntland isla hadla, dastuurka ha iska beddelinina idinkoon raalli isaga ahayn. War Soomaali ayaad tihiin isku imaadoo gacmaha isqabsada” ayuu sii raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday gogosha uu dhigay Madaxweynaha ee maanta dib u dhacday, isaga oo rajo xumo ka muujiyay qaabka wax loo wado, maadaama weli isku fahmi la’yihiin Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee dhaq-dhaqaaqa ka wada Muqdisho.

Soomaaliya aya haatan ku jirto marxald adag oo siyaasadeed oo cakiran, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrimaha doorashooyinka, xilli weli Villa Soomaaliya ay ku adkeysaneyso qorshaheeda la xiriira qof & cod oo ay diidan Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

- Advertisement -

Read more

Local News