Muqdisho (Caasimada Online) –ย Siyaasiga CC Shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee aadka uga soo horjeeda dowlada Somalia ayaa ka hadlay siyasada ay xiligan dheeleyso dowlada Somalia.
CC Shakuur, ayaa sheegay inuu aad u yaryahay waxqabadka dowlada Somalia waxa uuna dowlada ku dhaliilay inay siyaasadeysay arrimaha Xajka.
CC Shakuur, waxa uu tilmaamay in arrin aad u foolxun ay tahay in dowlada Somalia ay maaro u heli weydo arrinta Xajka oo uu sheegay inay tahay fursad sanadkiiba mar soo marta Umadda Muslimka ah,gaar ahaan Soomaalida.
Waxa uu qiray mar uu ka hadlaayay munaasabad lagu soo dhoweeynayay magaalada Stockholm in weli uu jiro muranka arrimaha xajka oo uu sheegay inuu ka taagan yahay is maandhaaf u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Shirkadaha Duulimaadyada ee heysta leynka Xajka.
CC Shakuur, ayaa sheegay in illaa iyo hada aanu weli qof Soomaali ah dal ku gal ama fiiso u soo bixin, taasna ay tahay arrin aad looga xumaado.
Isagoo ka hadlaayay arrinta muranka ayuu yiri โMa dhicin xilligii dowlad laโaanta in Xajku joogsado, maanta aan idinla hadlayo weli qof Soomaali fiiso xajka uma soo bixin, dowladda Soomaaliyeed ayaa siyaasadeysay, maanta Madaxtooyada ayaa laga kari laโyahay war xajka fasaxa dadka Soomaaliyeed ha soo gutaan xajkaโ
Waxa uu intaa raaciyay CC Shakuur โMaxaa noo dhiman haddii xajka uu qalqiil ku jiro, waa inaanu ka fiirsanaa waxa aan rabno iyo waxa aan rabin marba haddii leyska hor istaagayo xajkaโ.
Sidoo kale, CC Shakuur waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia laga doonaayo inay kala saarto danaha shaqsiyaad gaara iyo gudashada waajibaadka alle, waxa uuna arrin foolxun ku sheegay in la cuuryaamiyo shacabka, sida uu hadalka u dhigay.
โWay noo dhimantahay dowlad aan xakameyn Karin muranka diyaarado tirro yar oo ku loolamaaya daabulka xujeyda, waa inaan fiiro gaara u yeelanaa dhacdooyinka noocan ahโ
Dhianaca kale, haddalka CC Shakuur ayaa imaanaya iyadoo wali uu muran ka taagan yahay arrimaha Xajka taa oo sii dheereysay xil ka qaadista lagu sameeyay Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho