Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta qoraal uu soo saaray ku weeraray guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Howlwadaag, Cabdulaahi Axmed Siyaad oo ka shaqeynayay hawlaha doorashooyinka.
Warsame oo baahiyay sawirka guddoomiyaha oo xiran dharka tuutaha ee Booliska ayaa u tilmaamay inuu yahay kabtan u ololeynayo doorashada qof iyo codka ah ee uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh.
“Kabtan ololaynaya waa Astaamaha lagu garto doorashada “qof iyo qoriga ah” ee Mudane Madaxweyne birmade, diktoor Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Xildhibaan Warsame.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay guddoomiye ku xigeenka amniga Howlwadaag oo xafiiskiisa ku qabtay shir jaraa’id, wuxuuna beeniyay inuu yahay sarkaal Boolis ah, isla markaana lagu been abuurtay, isaga oo gudanayo mid kamid waajibaadkiisa shaqo ee qaranka.
Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in fasax la’aan la deegsaday sawirkiisa, isla markaana siyaasad laga raadiyay shaqsiyadiisa.
“Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu ka been sheegay xilkeyga waxaan ahay gudoomiye ku xigeenka amniga degmada Howl-wadaag isaga oo aan fasax iga qaadan ayuu sawirkeyga isticmaalay” ayuu yiri Cabdulaahi Axmed gudoomiye ku xigeenka amniga Howlwadaag.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in qofka uu isku kalsoonaado, uuna yimaado fagaaraha, si uu uga qaybgalo doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhaceysa.
“Waxaan leeyahay siyaasiyiinta raba inay meel daloosha ka raadiyaan hamigooda idin suuragal noqon mayso personal attack, tan kale doorasho qof iyo cod ah waxaa aqbalaayo oo qaabilaayo qof isku kalsoon” ayuu mar kale yiri Cabdulaahi Axmed Siyaad.

