Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharixiinta Xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku hanjabay inuu ka fiirsanayo ka qeybgalka tartanka Doorashada madaxweynaha Soomaaliya hal sabab darteed.
Qoraal uu soo saaray musharax C/raxmaan C/rashuur Warsame ayuu ku sheegay faragelin uu Xasan Sheekh ku hayo Doorashada, wuxuuna guddiga Doorashada ku sheegay inay ka mid noqdeen kooxda ololaha doorashada ee Xasan Sheekh.
Wuxuu cambaareeyay in Guddiga xalinta khilaafaadka ay asixiyeen xildhibaano ku soo baxay awood iyo laaluush, wuxuuna sheegay in haddii ay arrimaha sidan ku sii socdaan uu isaga hari dooni tartanka Doorashada madaxtinimada dalka.
Hoos ka arag qoraalka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]