Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo aragtiyo kala duwan ay ka dhasheen dhiibitaanka ay dowlada Somalia dhiibtay Sargaalka ONLF Qalbi Dhagax, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Cumar Cabdirashiid oo la hadlay Idaacada VOA-da ayaa si qoto dheer uga hadlay Heshiis xukumadii uu hoggaamin jiray la sheegay in ay la gashay dowladda Ethiopia oo dhawaan lagu wareejiyay Qalbi Dhagac.
Cumar C/rashiid ayaa ugu horeyntii beeniyay in dowladdii hore ee uu Ra’isul wasaaraha ka ahaa ay Ethiopia la gashay heshiis ay labada dal isku weydaarsanayaan maxaabiis iyo muwaadiniin.
Sharmaarke waxa uu sheegay in uusan jirin heshiis heer Faderaal ah oo ay la galeen dowladda Ethiopia, balse uu jiray keliya heshiis ku saabsanaa dhibaato ka taagneyd Xadka Galmudug iyo Dowlad degaanka Soomaaliya ee Ethiopia.
Ra’isul wasaare Sharmaarke waxa uu xusay in daliisha ay la imaaday Xukuumada Somalia aysan ka aqbali doonin maadaama sharcigaasi uu yahay mid wax kama jiraan ah.
Sharmaare ayaa sheegay in arrin khaldan ay tahay in muwaadinkaasi loo gacangaliyo dowlada Shisheeye maadaama aanu jirin heshiis dhigaaya in labada dal ay is weydaarsadaan maxaabiista, markii laga soo tago heshiiska uu ku tilmaamay been abuurka ee lasoo bandhigay.
Dastuurka ayuu sheegay Sharmaake in la jabiyay, hadii uu yahay Xildhibaan Aqalka Sare ka tirsana uu arintaasi wax ka qaban doono, sida uu hadalka u dhigay.
Haddalka Sharmaarke ayaa kusoo beegmaaya xili uu cirka isku shareeray barnaamijka lagu dhiibay Qalbi Dhagax.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]