26.3 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

CC Sharmaarke oo soo jeediyay talo muhiim ah oo dalka lagu badbaadin karo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay xaaladda cakirran ee dalka, gaar ahaan mowduuca taagan ee midnimada Soomaliya.

Sharmaarke oo war qoraal ah soo saaray ayaa soo jeediyay talo muhiim ah, wuxuuna marka hore ku baaqay in la saxo khaladaadka maamul ee ka jira nidaamka dalkeena, gaar ahaan hay’adaha federaalka iyo kuwa goboleedyada.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray haddii ay sii socoto isla xisaabtan la’aanta in dalka uu ahaan doono mid kala daadsan, isla markaana uu shisheeyuhu ka faa’iideysan doono.

“Kama hadli karno midnimo iyo dawlad-dhis haddii aan sii wadno Isla xisaabtan la’aanta, ha ahaato Federaalka iyo Dawlad Goboleedyadaba…nidaamka maamul ee hadda jira waa in la saxo, haddii kale dalkani wuxuu ahaan doonaa mid jilicsan oo kala daadsan, mar walbana u nugul farogelin shisheeye” ayuu yiri siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay muujiyaan midnimo iyo wadajir, si la’isaga difaaco cadow kasta oo yimaada.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo haatan ay taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay aqoonsigii ay 26-kii bishan Israa’iil siisay Somaliland, kaas oo ay si weyn uga hortimid dowladda federaalka iyo saaxibadeeda caalamka.

Si kastaba, waxaa weli sii xoogeysanaya fal-celinta ka dhalatay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kaas oo diidmo adag kala kulmay fagaraareyaasha caalamka, gaar ahaan kulankii ugu dambeeyay ee Golaha Ammanka ee QM.

Kalfadhiga deg-degga ah oo golaha la isugu yeeray, kadib codsi ka yimid DFS, ayaa muujiyay taageero ballaaran oo loo hayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Israa’iil ay ku noqotay go’doon difaaca go’aankeeda.

- Advertisement -

Read more

Local News